Daryeel Community

Gallery media
H
Community ByHAMSE ABDILLAHI MUHUMED

Members

7

Access

USD 50/month

Chat on

About this Community

100 Sano Jir Bixiyay Sir Caafimaadkiisa La Xiriirta

Cimriga iyo hantida la sheego waa caafimaadka, hadii lacag kasta aad haysato balse aadan caafimaad haysan lacagtaada dhadhan kuuma lahan

Hadii cimri dheer aad gaarto hadana caafimaadkaagu uusan saxnayn cimrigaas dheer dhadhan badan kuuma lahan.

Astaamo waxaa jira laga diyaariyay dadka ugu cinrigaa dheeraa laga qoray waliba ugu cimriga dheeraa kaliya ma ahan ugu caafimaadka badnaa.

Waxaana astaamahaas ka sheekeeyay mid ka mid ah dadka qarni 100 sano ku gaaray isagoo kusoo koobay waxyaabaha caafimaadkiisa asalka u ahaa

1. Dharagta iyo baahida: Wuxuu sheegay in marka uu baahi yar dareemo uu wax cuni jiray marka uu dharag yar dareemana cuntada ka istaagi jiray. Cuntada inaad ka tagto adigoo u baahan waa mod ka mid ah waxyaabaha caafimaadka asaaasiga u ah sidoo kale inaadan gaaajo isku dilin waa qodob isna muhiim u ah caafimaadka qof kasta

2. Seexashada 08:00 habeenimo: huradadu waa tan ugu muhimsan caafimaadka jirkeena iyo maskaxdeena, marka hurdadu kaa qaldan tahay wax kuu saxan ma jirto, marka huradu kuu saxan tahayna wax kaa qaldan ma jirto.

Hurdada saxda ah macaankeeda wuxuu jirku dareemaa marka qofku seexdo inta u dhaxaysa 08:00 cishaha ilaa 03:00 Habeenimo.

3. Ha cunin hana cabin wax aan dabiici ahayn: inta badan waxyaabaha dhulka kasoo baxa dadka isticmaala way ka caafimaaf badan yihiin dadka kale tusaale rootiga iyo digirta waxaa caafimaad badan digirta waa tusaalaha ugu yar loo soo qaato wax gacan ku rimis ah iyo dabiici ah.

Cabitaanada warshadaysan iyo cabitaanka laga sameeyay cuntooyinka dalka way kala caafimaad badan yihiin. Cabitaanada dalka sida cambaha marka barafka iyo sokorta lagu daro iyo marka caadi loo cunana way kala caafimaad badan yihiin.
Ku dadaal inaa isticmaasho wax dabiici ah kana fogow wax kasta oo gacan ku rimis ah